Ciidamada amniga maamulka Galmudug oo soo badbaadshay dooni ganacsi oo laga leeyahay Hindiya, balse burcadbadeeda ayaa ka xaystay sagaal katirsan shaqaalaha doonta saarnaa

Ciidamada amniga maamulka Galmudug oo soo badbaadshay dooni ganacsi oo laga leeyahay Hindiya, balse burcadbadeeda ayaa ka xaystay sagaal katirsan shaqaalaha doonta saarnaa [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa weerar ku qaaday soona badbaadshay dooni ganacsi oo laga leeyahay dalka Hindiya taasoo ay afduub u haysteen burcadbadeeda Soomaaliya, balse burcadbadeeda ayaa markii ay cararayeen dhanka beriga u ka xaystay 11 shaqaale ah oo saarnaa doonta, sida uu sheegay masuul.

“Waxaanu weerarnay doonta Hindiya waana soo badbaadinay balse burcadbadeeda ayaa ka xaystay 11 shaqaale ah oo doonta la socday. Waxaanu badbaadinay labo kamid ah shaqaalaha doonta saarnaa, burcadbadeeda ayaa sagaal shaqaale ah la aaday deegaanada buuralayda ah ee u dhaxeeya Ceel Huur iyo Xara-dheere,” Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Burcadbadeeda ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegtay in ay hayn doonaan shaqaalaha doonta saarnaa si ay ugu isticmaalaan gorgortanka in la sii daayo burcadbadeed ku xiran gudaha dalka Hindiya.

“Waxaanu ku dhiirigelin lahayn walaalahayo in ay ka fogaadaan shaqaalaha aan haysano haddii ay weerar soo qaadaan marka waxaa la dhaafsan doonaa sii daynta 117 burcadbadeed ah oo ku xiran gudaha Hindiya,” Siciid oo burcadbadeeda katirsan ayaa sidaa yiri.

“Waxaanu diyaar u nahay in aanu gacan siino saaxiibadayo marka ciidamada Galmudug ma ay badbaadin karaan sagaalka shaqaalaha ah ee la socday doonta Hindiya oo hadda gacanta noogu jira.” Ayuu ku daray.

Burcadbadeeda ayaa doonta oo la dhaho Al Kausar qabsaday bilowgii bishaan.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta gudaha qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad kuna noqon doonaan burcadbadeednimada si ay ula diriraan waxay ugu yeereen “maraakiibta jariifka ee ajaaniibta ah”.

Warkan waxaa soo uruurshay Cabdi Cumar Bile oo katirsan Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*