Ciidamada amniga maamulka Galmudug oo sagaal badmaax ka sii daayay burcadbadeeda Soomaaliya

Ciidamada amniga maamulka Galmudug oo sagaal badmaax ka sii daayay burcadbadeeda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada amniga maamulka Galmudug ayaa weerar ku qaaday burcadbaeed Soomaali ah waxayna ka sii daayeen sagaal badmaax oo ay afduubteen bishaan oo saarnaa dooni ganacsi oo laga leeyahay dalka Hindiya , sida maanta oo Arbaco ah ay ku warantay wakaalada wararka Reuters.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee maamulka Galmudug, Burhaan Warsame, ayaa Reuters u sheegay in burcadbadeedu ay badmaaxyada u ka xaysteen deegaanada Galmudug ee bartamaha Soomaaliya maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay ayna isku dhaceen ciidamada maamulka Galmudug labo maalmood kadib.

“Waxaanu soo badbaadinay sagaal badmaax waana ay caafimaad qabaan,” Burhan ayaa Reuters u sheegay.

Burcadbaeeda ayaa qabsaday doonida oo loo yaqaan Al Kausar oo laga leeyahay Hindiya bishii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha degmada Hobyo, Cabdulaahi Cali Axmed, ayaa idaacada Voa-da qaybta Af-Soomaaliga u sheegay in howlgalka ay ku qabteen afar katirsan burcadbadeeda.

Isniintii lasoo dhaafay, Burcadbadeeda ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in badmaaxyada ay afduubteen ay u isticmaali doonaan gorgortanka sidii ay lagu sii dayn lahaa burcadbadeed ku xiran gudaha dalka Hindiya.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta gudaha qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad kuna noqon doonaan burcadbadeednimada si ay ula diriraan waxay ugu yeereen “maraakiibta jariifka ee ajaaniibta ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*