Ciidamada ammaanka Puntland oo wariye ku xiray Garoowe

Axmed Cali Kilwe. [Xigashada Sawirka: Puntland One]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa wariye maxali ah ku xiray gudaha magaalada Garoowe, sida warsidaha Puntland Mirror ay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Axmed Cali Kilwe, oo ah tifaftiraha mareegta Puntland One ayaa ciidamadu xireen shalay oo Axad ahayd, waxaana loo xiray eedo ku saabsan in uu hadalo ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Cabweli Maxamed Cali ku qoray Facebook-ka, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Dhowr wariyeyaal ah ayaa lagu xiray gudaha Puntland sanadadii u dambeeyay, taasoo kordhinaysa walaaca ku saabsan xoriyadda suxufiyiinka ka shaqaysa Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*