Ciidamada ammaanka Puntland oo saddex nin oo lala xiriirinayo Al-Shabaab ku xiray Gaalkacyo

Mid kamid ah saddexda nin oo ay xireen ciidamada ammaanka Puntland. [sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa saddex nin ku xiray magaalada Gaalkacyo, sida ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Saddexda nin ee la xiray ayaa kamid ahaa niman horaantii bishaan June kasoo muuqday muuqaal, kuwaasoo ku andacoonaya in beeshoodu ay qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Nimanka xabsiga la dhigay ayaa magacyadooda lagu sheegay; ganacsade Maxamed Yaasiin Cabdi, nabadoon Deeq Cabdi Cabdulle iyo shiikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed.

Maxaa loo xiray?

Ilo-wareedyo magacooda qariyay oo katirsan haayadaha ammaanka ayaa Puntland Mirror u sheegay in nimankan looga shaki qabo in ay xiriir la leeyihiin ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Bilihii u dambeeyay, waxaa jiray warar soo baxayay oo sheegaya in shakhsiyaad katirsan beelaha dega gobolka Mudug ay tageen deegaano kuyaala Jubbooyinka halkaas oo ay shirar qarsoodi ah kula yeesheen maleeshiyada Al-Shabaab, taasoo ka dhaadhicisay in ay sheegtaan in ay qaateen ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo bishii May safar ku tagay magaalada Gaalkacyo ayaa muujiyay in uu jiro heshiis dhexmaray shakhsiyaad kasoo jeeda gobolka Mudug iyo Al-Shabaab.

“Dalkan dadkiisaa iska leh, cid aan dadkiisa ahayn oo xukumaysa ma jirto, runtaan idiin sheegayaaye, cid kasta oo isku dayda ama Jilib ha joogto ama Jamaame ha joogtee, reer Puntland iyagaa is xukumaya, nin meel kala jira ma xukumi doono Ilaahay idankiis, yaan la idiin sheegin wax aan jirin.” Ayuu yiri madaxweynuhu.

Puntland oo la asaasay sanadkii 1998, ayaa kamid ah meelaha Soomaaliya ugu amniga fiican iyada oo dhinacyo badan horumar ka samaysay. Sida uu qabo dastuurka dowladda Puntland qodobka 9-aad farqadiisa 1-aad Diinta Islaamka waa tan kaliya ee Puntland, iyada oo farqada 3-aad ee isla qodobkaas uu qeexayo in qawaaniinta iyo dhaqanka bulshada ay saldhig u tahay diinta Islaamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*