Ciidamada ammaanka Puntland oo qarax gaari ku fashiliyay gudaha gobolka Mudug

Afar nin oo gaariga saarnaa ayaa sidoo kale ciidamadu xireen. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Afar nin oo gaariga saarnaa ayaa sidoo kale ciidamadu xireen. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka dowladda Puntland ee jooga gobolka Mudug ayaa qarax gaari ku fashiliyay gudaha degmada Beyra ee gobolka Mudug Jimcadii shalay, sida uu sheegay sargaal.

Sargaal katirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen waxyaabo culus oo qarxa iyo noocyo kale oo hub ah.

Sargaalka ayaa ka gaabsaday in uu magacaabo cida iska leh gaariga iyo halka uu ku jeeday.

Ku dhawaad afar nin oo gaariga saarnaa ayaa sidoo kale ciidamadu xireen, sida uu sheegay sargaalku.

Sanadadii dhawaa ee lasoo dhaafay, Puntland ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo gaari oo lagu dilay tobonaan shacab ah iyo masuuliyiin dowladda katirsanaa, waxaana masuuliyadooda sheegatay xagjiriinta Al-Shabaab.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*