Ciidamada ammaanka Puntland oo nin sixiroole ah ku qabtay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso

Ninka sixiroolaha ah ee ay qabteen ciidamada ammaanka Puntland. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa nin sixiroole ah ku qabtay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay, taliyaha booliiska Boosaaso Gaashaanle Sare Yuusuf Axmed ayaa sheegay in sixirooluhu uu joogay magaalada in ka badan 25-sanno.

Sixiroolaha ayaa soo bandhigay alaabo kala duwan oo u isticmaalayay sixirka waxaana kamid ah: lafo xayawaan, qodobo dhowr ah, caws, baal shimbireed, salool iyo in kale oo badan.

Waxaa laga baqayaa in uu sixray dad badan oo ku xanuunsan gudaha magaalada, sida uu sheegay taliyaha ciidanku.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*