Ciidamada ammaanka Puntland oo magaalada Gaalkacyo ka bilaabay howlgal ammaanka lagu adkaynayo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. [Sawirka: Archive]
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maanta oo Isniin ah ka bilaabay howlgal ammaanka lagu adkeynayo, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka.

Maxamed Ciise warsame oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug ayaa saxaafada maxaliga ah u sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen howlgalo ay ku sugayaan ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Warsame ayaa uga digay gaadiidlayda in ay gawaaridooda ku xirtaan bacaha-madow ee lagu qariyo muraayadaha baabuurta.

Labo maalin kahor, taliyaha ciidamada booliiska dowladda Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax ayaa u doortay Cusmaan Xasan Cuuke sidoo kale loo yaqaan (Af-dalow) in uu nqodo taliyaha cusub ee booliiska gobolka Mudug. 

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*