Ciidamada ammaanka Puntland oo magaalada Boosaaso kusoo bandhigay walxaha qarxa iyo nimankii watay

Ciidamada ammaanka Puntland oo magaalada Boosaaso kusoo bandhigay walxaha qarxa iyo nimankii watay. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Boosaaso kusoo bandhigay waxyaabo qarxa iyo shan nin oo watay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Taliyaha booliiska qaybta gobolka Bari Gaashaanle Dhexe Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxyada ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada madaxtooyada Puntland.

Taliyaha ayaa ka gaabsaday halka lagu bartilmaameedsan lahaa qaraxyada, balse saraakiisha ammaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in qaraxyada la rabay in lala eegto xarumo dowladeed oo kuyaala magaalada Boosaaso.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horey qaraxyo dhiig badan ku daatay uga geysatay magaalo xeebeedka Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*