Ciidamada ammaanka Puntland oo howgalo ka dhan argagixisada ka bilaabay magaalada Boosaaso

Ciidamada Mareyknaku tababaray ee amaanka Puntland (PSF). [Xuquuqda Sawirka: Cali Cabdi Ducaale/sawir-qaade madaxbanaan]
Ciidamada Mareykanku tababaray ee amaanka Puntland (PSF). [Xuquuqda Sawirka: Cali Cabdi Ducaale/sawir-qaade madaxbanaan]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgalo ka dhan argagixisada ka bilaabay guryaha kuyaala magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari maanta oo Khamiis ah.

Wariyaha Puntland Mirror ee Boosaaso Cabdullaahi Boodacade ayaa kusoo waramay in ciidamo gaashaaman lagu howlgashay xaafadaha magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen ku xiray in ka badan 20 qof oo looga shaki qabo kooxo argagixiso, sida uu sheegay wariyuhu.

Howlgalka ayaa imaanaya wax ka yar labo asbuuc kadib markii weeraro ka dhacay magaalada Boosaaso lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada booliiska Puntland Jaamac saxardii iyo agaasimihii madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse, oo ay masuuliyadooda sheegatay maleeshiyada Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*