Ciidamada ammaanka Puntland oo fashiliyay qarax la dhigay waddo mashquul badan oo kutaala Boosaaso

Magaalo xeebeedka Boosaaso. [Sawirka: Maxamed Axmed/Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa shalay oo Isniin ahayd fashiliyay qarax la dhigay waddo mashquul badan oo ay ka ag dhowyihiin goobo ganacsi, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Kadib markii ay ciidamada ka warheleen qaraxyada halkaas la dhigay ayaa inta uusan qarxin waxay ku guuleysteen in ay kahortagaan iyaga oo dadkii iyo gaadiidkii waddadaas isticmaalayay ka saaray kadibna qarxiyay waxyaabihii qaraxa ahaa ee halkaas la dhigay.

Lama oga ilaa iyo hadda cidda qaraxa halkaas dhigtay, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horey qaraxyo dad shacab ah ay ku dhinteen uga geysatay gudaha magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*