Ciidamada ammaanka Puntland oo dil toogasho ah ku fuliyay shan xubnood oo katirsanaa ururka Al-Shabaab

13-kii Febaraayo, 2017-ka. maxkamada ciidamada Puntland ee Boosaaso ayaa toogasho ku xukuntay xubnaha la toogtay [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa toogasho ku fuliyay shan xubnood oo katirsanaa ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan.

Cabdifataax ayaa warbaahinta u sheegay in toogasahada la fuliyay saakay oo Sabti ahayd.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada ayaa sheegay in shanta nin ay qirteen in ay ahaayeen xubno katirsan Al-Shabaab ayna ku lug lahaayeen dilal ka dhacay gudaha Puntland, oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil katirsanaa dowladda Puntland.

Tani waa toogashadii labaad tan iyo markii sanadkii 2014-kii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu xukunka yimid. Bartamihii sanadkii 2015-kii ciidamada Puntland ayaa toogtay saddex xubnood oo Al-Shabaab katirsanaa oo lagu eedeeyay qaraxyo ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso.

13-kii Febaraayo ee sanadkan, maxkamada ciidamada Puntland ee Boosaaso ayaa toogasho ku xukuntay xubnaha la toogtay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*