Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Jubbaland oo markab hub lagu soo qariyay ku qabtay dekada magaalada Kismaayo

Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Jubbaland oo markab hub lagu soo qariyay ku qabtay dekada magaalada Kismaayo
Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Jubbaland oo markab hub lagu soo qariyay ku qabtay dekada magaalada Kismaayo. [Sawirka: AP]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Jubbaland ayaa shalay oo Isniin ahayd dekada magaalada Kismaayo ku qabtay Markab ganacsi oo lagu soo qariyay hub, sida uu sheegay sargaal.

Sargaal katirsan Jubbaland oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warbaahinta u sheegay in markabka uu ka yimid magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayna saarnaayeen badeeco.

Sargaalka ayaa sheegay in ciidaamada ammaanka ay xireen dhammaan shaqaalihii markabka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in markabka uu u rarnaa nin ganacsade ah oo magaciisa la dhaho Cabdi Jamaal.

Saraakiisha Jubbland ayaa ka gaabsaday in ay sheegaan noocyada hubka ee saaran markabka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*