Ciidamada amaanka Soomaaliya oo Muqdisho ku xiray 4 xubnood oo al-Shabaab ah

Muqdisho-(Puntland Mirror) ciidamada haayada sirdoonka Soomaaliya (NISA) ayaa shan xubnood oo al-Shabaab katirsan xiray kadib markii ciidamada ay howlgal ka sameeyeen deegaanka suuqa Xoolaha ee degmada Yaakhshiid, gobolka Banaadir, sida uu sheegay sarkaal dowlada ah.

Cabdikaamil Macalin Shukri oo ah afhayeenka wasaarada amniga ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Muqdisho in ciidamada amaanka ay howlgal ka sameeyeen meelo kala duwan oo ku yaala degmada.

“Ciidanka amaanka ayaa awood u yeeshay in ay gacanta ku dhigaan shan al-Shabaab ah waxayna ka hortageen qarax, kaasoo maleeshiyada ay u isticmaalayeen mootada saddexda lug leh, waa ay qaraxday waxaana ku dhintay darawalkii oo ahaa al-Shabaab.” Ayuu yiri afhayeen Cabdikaamil.

Kooxda ku xiran al-Qaacida, ee al-Shabaab ayaa kordhisa weerarooda inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*