Ciidamada amaanka Puntland oo albaabada u xiray xarunta Radio Daljir Garoowe

Garoowe-(Puntland Mirror) Haayadaha amaanka ee Puntland ayaa albaabada u xiray idaacada Radio Daljir qaybteeda caasimada Puntland, Garoowe waxayna amreen in wariyeyaasheedu ay ka tagaan dhismaha ay idaacadu dagantahay.

Sababta ka dambaysa xiritaanka idaacada ilaa iyo hadda ma cadda, balse arrintan ayaa imaanaysa asbuuc kadib markii idaacada ay wareysi la yeelatay guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan kaasoo ay dowlada ku eedaysay inuu wado ficilo amni xumo.

Raadiyo daljir ayaa ah idaacada ugu weyn oo ku taala magaalooyinka Puntland. Inta badan waxay baahisaa barnaamijyo siyaasadeed, inkastoo ay sidoo kale baahiso wararka insaanimada iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ugu khatarta badan oo ay saxaafada ka howlgasho.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*