World

Eriteeriya oo sheegtay in ay 200 oo askar Itoobiyaan ah ku dishay dagaal xuduuda ka dhacay

Eriteeriya oo sheegtay in ay 200 oo askar Itoobiyaan ah ku dishay dagaal xuduuda ka dhacay

Dowldda Eritteeriya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 200 oo askar Itoobiyaan ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka abdan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay maalmihii Axadda iyo Isniinta. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegadan, oo ay dowladda Eriteeriya ku baahisay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay, laguna[Read More…]

by June 17, 2016 0 comments Home, World
Kooxda Booko Xaaraam oo samaysatay idaacad

Kooxda Booko Xaaraam oo samaysatay idaacad

Kooxda argagixisada ah ee Booko Xaaraam oo ka dagaalanta dalka Nayjeeriya ayaa samaysatay idaacad FM ah oo mawjadeedu tahay 96.8, sida ay sheegtay laanta Xawsaha ee idaacada VOA. Sida ay wararku sheegayaan, dadka ku nool tuulada Yolkomari oo udhow Waqooyiga fog ee dalka Kaamiruun ayaa sheegay in ay maqleen codka idaacad, taasoo faafinaysa barobagaandada Booko Xaaraam. Booko Xaaraam oo ah[Read More…]

by June 16, 2016 0 comments Home, World
Xaaska ninkii geystay weerarka baarka Orlando oo la maxkamadayn doono

Xaaska ninkii geystay weerarka baarka Orlando oo la maxkamadayn doono

Xaaska ninkii qoriga watay kaasoo 49 qof ku dilay baar ay leeyihiin raga isku-tagga oo ku yaala magaalada Orlando ee Maraykanka ayaa la maxkamadaynayaa iyadoo lala xiriirinayo weerarkaas, sida ay sheegayaan warbixinada. Xeer ilaaliyaasha ayaa bilaabay baaritaanka Nuur Salmaan, oo ah xaaska ninkii weerarka geystay, Cumar Matiin, sida ay ku waramayaan ilo-wareedyo ay soo xigteen taleefishinka Fox News iyo wakaalada[Read More…]

by June 15, 2016 0 comments Home, World
Taliye booliis oo Faransiis ah iyo xaaskiisa oo lagu dilay weerar mindi oo Daacish ay sheegatay

Taliye booliis oo Faransiis ah iyo xaaskiisa oo lagu dilay weerar mindi oo Daacish ay sheegatay

Paris-(Puntland Mirror) Taliye booliis oo Faransiis ah iyo xaaskiisa ayaa lagu dilay weerar mindi markii nin mindi ku hubaysan uu soo weeraray guriga ninka booliiska ah deegaanka Magnanville oo 33 km ka xigta magaalada Baariis ee caasimada, Faransiiska dhanka waqooyiga-bari, ninka weerarka geystay ayaa sidoo kale qaatay taliyaha iyo haweenayda uu dilay wiil yar oo ay dhaleen. Booliiska Faransiiska ayaa[Read More…]

by June 14, 2016 0 comments Home, World
Eriteeriya oo ku eedaysay Itoobiya in ay xadkeeda soo weerartay

Eriteeriya oo ku eedaysay Itoobiya in ay xadkeeda soo weerartay

Dowlada Eriteeriya ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay weerar ku qaaday xadkeeda, laakiin inta uu la egyahay weerarka ilaa iyo hadda ma cadda mana jirto jawaab dhaqso ah oo ka timi Itoobiya. Eriteeriya oo xornimadeeda ka heshay Itoobiya sanadkii 1991-dii, ayaa dagaal dhiig badan uu ku daatay oo ka dhacay xadka waxaa uu dhexmaray dariskeeda Itoobiya intii u dhaxaysay 1998[Read More…]

by June 13, 2016 0 comments Home, World
Ugu yaraan 50 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaala Maraykanka

Ugu yaraan 50 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaala Maraykanka

Konton qof ayaa la ogyahay ilaa iyo hadda in ay ku dhinteen toogasho Sabtidii ka dhacday baar ragga isu-tagga oo ku yaala magaalada Orlando, ee gobolka Florida, Maraykanka sidoo kalena waxaa lagu dhawaaqay xaalad deg deg ah, sida uu sheegay duqa magaalada Orland Buddy Dyer. Ninka hubaysan ayaa si rasmiya magaciisa loogu sheegay Cumar Matiin waxaana la dilay markii laga[Read More…]

by June 12, 2016 0 comments Home, World
Dad gaaraya 20 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaala Maraykanka

Dad gaaraya 20 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaala Maraykanka

Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay baar lagu caweeyo oo ku yaala magaalada Orlando ee gobolka Florida, Maraykanka, gelinkii hore ee maanta oo Axada, waxaana lagu dilay dad gaaraya 20 qof waxaana ku dhaawacmay 42 qof oo kale toogashadaas, haayadaha ayaa ku sifeeyay weerar argagixiso oo gudaha ah. Xabadaha qoriga ayaa ka bilaabmatay baar ragga isku tagga oo lagu magacaabo[Read More…]

by June 12, 2016 0 comments Home, World
Booliiska Kiinya oo ka digay suurtagalnimada weeraro al-Shabaab inta lagu jiro bisha Ramadaan

Booliiska Kiinya oo ka digay suurtagalnimada weeraro al-Shabaab inta lagu jiro bisha Ramadaan

Booliska Kiinya ayaa ka codsaday dadka magaalooyinka Mombasa, Malindi iyo Nayroobi in ay feejignaadaan kadib markii macluumaad sirdoon uu muujiyay in maleeshiyada al-Shabaab ay qorshaynayso weeraro ay qaado inta lagu jiro bisha Ramadaan. Bayaan uu soo saaray kormeeraha guud ee booliska Kiinya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in si wadajir ah loo ogeysiiyay in tirro weeraro ah ay kooxda argagixisada isku[Read More…]

by June 11, 2016 0 comments Home, World
Itoobiya oo sheegtay in ciidamadoodu ku dileen 101 dagaalyahan oo al-Shabaab ah gudaha Soomaaliya

Itoobiya oo sheegtay in ciidamadoodu ku dileen 101 dagaalyahan oo al-Shabaab ah gudaha Soomaaliya

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankooda jooga gudaha Soomaaliya ay dileen 101 dagaalyahan oo al-Shabaab ah kuwaas oo Arbacadii weerar kusoo qaaday saldhig ciidan oo ay isticmaalayeen Howlgalka Midowga Afrika ee dagaalka kula jira maleeshiyada al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida. Xarakada al-Shabaab ayaa gelinkii hore ee shalay sheegtay in ay weerar culus ku qaadeen saldhiga Halgan oo kuyaala bartamaha[Read More…]

by June 10, 2016 0 comments Home, World
Obama oo aan ka qaybgali doonin aaska Maxamed Cali

Obama oo aan ka qaybgali doonin aaska Maxamed Cali

  Washington-( Puntland Mirror )Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ka maqnaan doona aaska Jimcada dhacaya ee Maxamed Cali isagoo ka qaybgali doona xaflada qalinjabinta gabadhiisa. Obama iyo Xaaskiisa Michelle ayaa Washington uga qaybgali doona xaflada qalinjabinta gabadhooda Malia, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay Madaxweynaha. La taliye sare oo katirsan aqalka Cad kaasoo loo yaqaan Cali ayaa u gudbiyay qoyska[Read More…]

by June 8, 2016 0 comments Home, World
Scroll Up