South-Central

Deg Deg: Dhawaaqa madaafiicda oo caawa laga maqlayo gudaha Muqdisho

Deg Deg: Dhawaaqa madaafiicda oo caawa laga maqlayo gudaha Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaafiic waa weyn ayaa caawa dhawaaqooda laga maqlayaa magaala Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Sida aya ilo-wareedyo ku sugan Muqdisho u sheegeen warsidaha Puntland Mirror dhawaaqa madaafiicda ayaa laga maqlayaa meelo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho. Si rasmiya looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas, iyadoo lagu jiro  xilli habeenimo ah. Dhacdooyinkan cusub ee caawa ayaa imaanaya[Read More…]

Madaxweynaha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday taliyihii nabadsugida

Madaxweynaha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday taliyihii nabadsugida

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xli ka qaadis ku sameeyay taliyihii nabadsugida ee sirdoonka qaranka (NISA), Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha. Madaxweyne Xasan ayaa si ku meel gaar ah xilka ugu magacaabay Cabdulaahi Maxamuud Gaafow oo ahaa taliyaha laanta socdaalka ee Soomaaliya inuu sii noqdo taliyaha nabadsugida[Read More…]

Ciidamada amaanka Soomaaliya oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabtay diyaarad raashin dhacay u waday gobolka Gedo

Ciidamada amaanka Soomaaliya oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabtay diyaarad raashin dhacay u waday gobolka Gedo

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxa ay ku qabteen diyaarad raashin dhacay u waday gobolka Gedo ee Soomaaliya, sida ay ku warantay wakalaada wararka dowlada Soomaaliya. Madaxa laanta socdaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa wakaalada wararka SONNA u sheegay in ciidamada amaanka ay baarayaan diyaarada, isagoo sheegay in ay siday raashin[Read More…]

Itoobiya oo ciidamo cusub geysay deegaanka Halgan ee bartamaha Soomaaliya

Itoobiya oo ciidamo cusub geysay deegaanka Halgan ee bartamaha Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada Itoobiya ayaa ciidamo badan geysay deegaanka Halgan kadib markii maalinta Khamiista ee asbuucii hore ay weerar culus ku qaadeen maleeshiyada al-Shabaab saldhig ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Halgan. Dadka ku sugan deegaanka Halgan ayaa sheegay in ay arkeen kolonyo ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah kuwaasoo wata gaadiidka gaashaaman, waxayna fariisimo ay ka samaysteen deegaankaas. Deegaanka Halgan[Read More…]

<> on August 15, 2011 in Mogadishu, Somalia.

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in ciidamada ay ka bixi doonaan garoonka kubada cagta Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddiga Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa sheegay in baahi aad u daran ay u qabaan garoonka kubada cagta Muqdisho kaasoo hadda ay ku suganyihiin ciidamada Midowga Afrika kuwaasoo qayb ka ah howlgalka nabadaynta Soomaaliya. Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika Joe Kibet oo la hadlay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya (SONNA) Sabtidii ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika kuwaas oo hadda[Read More…]

Sawirka: Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab oo ku raran qori BKM ah.

Maleeshiyada al-Shabaab oo sheegtay in ay toogasho ku fulisay afar jaajuus

Maleeshiyada al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Jimcada sheegtay in ay toogatay afar qof oo ay ku eedaysay jaajuusnimo, waxaana kamid ah qof la bireeyay oo ay ku eedeeyeen inuu warbixin siiyay Maraykanka taasoo keentay dilka hoggaamiyihii hore ee kooxda. Maleeshiyada hubaysan ayaa doonaysa in ay awooda ka tuurto dowlada Soomaaliya oo reer Galbeedka ay dabada[Read More…]

by June 11, 2016 0 comments Home, Somali News, South-Central
Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in 240 maleeshiyo al-Shabaaab ah lagu dilay saldhiga Halgan

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in 240 maleeshiyo al-Shabaaab ah lagu dilay saldhiga Halgan

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa dilay ilaa iyo 240 dagaalyahan oo al-Shabaab iska hor imaad ka dhacay saldhig ay ciidamada militariga Itoobiya ku leeyihiin bartamaha Soomaaliya maalintii Khamiista, sida uu sheegay wasiirka amniga dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar. Sagaal ciidamada Itoobiya ah ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay deegaanka Halgan, oo qiyaastii 300 km dhanka waqooyiga ka xiga caasimada[Read More…]

Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]

Al-Shabaab oo sheegtay in dagaalyanadooda ku dileen bartamaha Soomaaliya 40 askari oo Itoobiyaan ah

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ee  ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen ugu yaraan 40 askari oo Itoobiyaan ah kadib markii ay maleeshiyada weerar saakay oo Khamiis ah ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya. Dadka deegaanka Halgan oo ku taala gobolada dhexe ayaa sheegay in ay saldhiga ka maqleen qarax aad u weyn[Read More…]

by June 9, 2016 0 comments Home, Somali News, South-Central
Al-Shabaab oo weerartay saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya

Al-Shabaab oo weerartay saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerartay saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya kadb markii gaari miinaysan ay ku qarxiyeen gudaha saldhiga maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegtay kooxda. Deegaanka weerarka dhacay ayaa lagu magacaabaa Halgan wuxuuna ku yaalaa gobolada dhexe ee Soomaaliya wuxuu 300 km kaga beeganyahay dhanka waqooyiga ee caasimada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka maqleen[Read More…]

by June 9, 2016 0 comments Home, Somali News, South-Central
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo xariga ka jaray dhismaha safaarada cusub Turkiga

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo xariga ka jaray dhismaha safaarada cusub Turkiga

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga a ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhisamaha cusub ee Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Da’uud Aweys oo ku sugan Xafladda furitaanka Safaaradda Cusub ee Turkiga ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay maanta oo Jimco ah si rasmi ah u fureen Safaaraddii ugu weyneyd ee Turkigu uu ka dhisto Caalamka. Madaxweynaha[Read More…]

by June 3, 2016 0 comments Home, South-Central
Scroll Up