Madaxweynaha Puntland oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Sool
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Sool. Guddoomiyaha cusub waa Abuukar Cabdi Geele, sida lagu sheegay digreetada xafiiska madaxweynaha kasoo baxday maanta oo Isniin ah.