Puntland

Wasiirkii warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo iscasilay

Wasiirkii warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo iscasilay

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka warfaafinta dowlada Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa maanta oo Isniin ah iska casilay xilkiisii. Soocade oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in uu isku casilay arrimo isaga u gaar ah oo la xiriira qoys. Intii u dhaxaysay 2014 ilaa iyo 2015-ka, Maxamuud  Xasan Soocade ayaa soo noqday wasiirka ganacsiga iyo warfaafinta Puntland. Iscasilaada wasiirka ayaa[Read More…]

by September 26, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweynaha dowlada Puntland oo dhagax-dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare

Madaxweynaha dowlada Puntland oo dhagax-dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Axad ah dhagax-dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland. Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa madaxweynaha ku waheliyay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Abshir Yuusuf Ciise, wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Cali Faarax iyo saraakiil kale oo katirsan dowlada. Madaxweyne Cabdiweli oo munaasabada[Read More…]

by September 25, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay isku-dhac ka dhacay Gaalkacyo oo dhexmaray maleeshiyo iyo ciidamo Puntland ah

Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay isku-dhac ka dhacay Gaalkacyo oo dhexmaray maleeshiyo iyo ciidamo Puntland ah

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay kadib isk-hor imaad u dhaxeeya ciidamo katirsan dowlada Puntland iyo maleeshiyo beeleed deegaanka ah oo ka dhacay maanta oo Sabti ah magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Isku-dhaca ayaa yimid kadib markii maleeshiyada ay damceen in ay ciidamada dowlada kala wareegaan baabuur loo waday dhanka maamulka Galmudug. Sida ay dadka deegaanka warsidaha[Read More…]

by September 24, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Banaanbax looga soo horjeedo ka noqoshada go’aankii lagu joojiyay baabuurta ka timaada Koonfurta Soomaaliya oo Gaalkacyo ka dhacay

Banaanbax looga soo horjeedo ka noqoshada go’aankii lagu joojiyay baabuurta ka timaada Koonfurta Soomaaliya oo Gaalkacyo ka dhacay

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Banaanbax looga soo horjeedo ka noqoshada go’aan ay dhawaan gaartay dowlada Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Boqolaal dad shacab ah ayaa ka qaybgalay banaanbaxa, iyagoo sheegay in ay si xoogan uga soo horjeedaan go’aanka uu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu uga noqonayo xanibaadii baabuurta ka timaada koonfurta Soomaaliya. Bilowgii bishaan[Read More…]

by September 22, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Golaha degmada Dangorayo oo xalay saq-dhexe guddoomiye u doortay murashax ay dowladu wadatay

Golaha degmada Dangorayo oo xalay saq-dhexe guddoomiye u doortay murashax ay dowladu wadatay

Garoowe-(Puntland Mirror) 19 xubnood oo dowladu ku sheegtay golaha deegaanka degmada Dangorayo ayaa habeenimadii xalay saq-dhexe doortay guddoomiye, iyadoo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. Sida horey uu u ogaa warsidaha Puntland Mirror Mukhtaar  Cabdiraxmaan Axmed oo ahaa murashax ay dowladu dabada ka riixaysay ayaa cod gacantaag ah loogu doortay guddoomiye. Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan (Cukaasha) oo[Read More…]

by September 22, 2016 1 comment Puntland, Somali News
Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo oo mar labaad fashilmatay, maxaa sabab u ah?

Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo oo mar labaad fashilmatay, maxaa sabab u ah?

Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa maanta dhici weyday kadib markii ay hareeyeen muran xoog weyn oo ka dhashay soo xulida xubnaha golaha degmada. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Dangorayo maanta oo Arbaco ah si uu goobjoog uga noqdo qabsoomida doorashada, balse doorashada ayaa dhici weyday. Banaanbaxyo waa-weyn ayaa maanta[Read More…]

by September 21, 2016 0 comments Puntland, Somali News
RW DFS Sharmaake oo Puntland yimid si uu u kordhiyo ololihiisa murashaxnimada madaxweynaha Soomaaliya

RW DFS Sharmaake oo Puntland yimid si uu u kordhiyo ololihiisa murashaxnimada madaxweynaha Soomaaliya

Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wefdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah soo gaaray caasimada Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo masuuliiyiin sare oo dowlada kamid ah ayaa RW kusoo dhaweeyay garoonka kumeel gaarka ah ee Kanooko oo kuyaala duleedka waqooyi ee Garoowe. Madaxweyne Cabdiweli oo saxaafada[Read More…]

by September 20, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland oo xukuno ku riday 54 xubnood oo maxaabiis Al-Shabaab ah

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland oo xukuno ku riday 54 xubnood oo maxaabiis Al-Shabaab ah

Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland ayaa maanta oo Talaado ah 28 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku riday xukun xabsi oo u dhaxeeya 15 ilaa 20-sanno, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada. Isaga oo la hadlayay saxaafada Garoowe, xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland, Cabdikariim Xasan Firdhiye ayaa sheegay in xubnaha la xukumay ay[Read More…]

by September 20, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweynaha Cabdiweli oo kormeeray shaqooyinka wasaaradaha iyo haayadaha dowliga ah ee Puntland iyadoo musuq-maasuq balaaran jiro

Madaxweynaha Cabdiweli oo kormeeray shaqooyinka wasaaradaha iyo haayadaha dowliga ah ee Puntland iyadoo musuq-maasuq balaaran jiro

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah kormeer ku sameeyay qaybo kamid ah wasaaradaha Puntland iyo haayadaha dowliga ah. Wasaaradaha iyo haayadaha dowliga ee uu kormeeray madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa, Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha,[Read More…]

by September 17, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweynaha dowlada Puntland oo Garoowe dib ugu soo noqday kadib markii uu kasoo qaybgalay shirka madasha qaran

Madaxweynaha dowlada Puntland oo Garoowe dib ugu soo noqday kadib markii uu kasoo qaybgalay shirka madasha qaran

  Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalay shirka hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu soo noqday caasimada Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee kumeelgaarka ah ee Kanooko oo kuyaala duleedka Garoowe waxaa ku qaabilay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaam iyo[Read More…]

by September 15, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Scroll Up