Somali News

Madaxweyne Cabdiweli oo Garoowe ku soo laabtay

Madaxweyne Cabdiweli oo Garoowe ku soo laabtay

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Arbaco ah ku soo laabtay caasimada Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha ayaa magaalada Baydhabo uga qeybgalay shirkii amniga qaranka oo u dhaxeeyay masuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada.

Xildhibaanada lagu dilay weerarka. [Sawirka[

Labo xildhibaan oo katirsan Hir-Shabelle oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhow Muqdisho

Jowhar-(Puntland Mirror) Labo xildhibaan oo katirsan maamul goboleedka Hir-Shabelle iyo ilaaladoodii ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah meel u dhow caasimada Soomaaliya ee Muqdisho shalay oo Talaado ahayd. Xildhibaanada ayaa saarnaa gaari yar oo uu weheliyay gaari ciidan oo siday 10 askari markii uu weerarka gaadmada ah ku qabsaday tuulada Ceel Gelow oo qiyaastii 45 km waqooyiga ka xigta Muqdisho,[Read More…]

by June 6, 2018 0 comments Somali News
Puntland oo ka digtay in lacagta kaashka ah ee Dowlada Federaalka siisay Somaliland loo adeegsado colaada Sool iyo Sanaag

Puntland oo ka digtay in lacagta kaashka ah ee Dowlada Federaalka siisay Somaliland loo adeegsado colaada Sool iyo Sanaag

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa cambaareysay lacagta kaashka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqday Somaliland. Guddiga difaaca Puntland oo shir saxaafadeed maanta oo Talaado ah ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in lacagtaas kaashka ah ay maamulka Somaliland u adeegsan doonto colaada gobolka Sool iyo Sanaag. Guddiga difaaca Puntland ayaa sheegay in aysan diidanayn in loo gurmado dadka kunool Somaliland ee[Read More…]

27 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Puntland

27 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) 27 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Puntland, Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidaa bayaan ku sheegay maanta oo Isniin ah. Duqeynta ayaa Sabtidii ka dhacday meel qiyaastii 26 mayl koonfur-galbeed ka xigta magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegay in si weyn loo dhimi doono. [Sawirka]

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegay in si weyn loo dhimi doono

Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa tixgelinaya hoos u dhimid ku imaanaya ciidamadiisa holwgalada gaarka ah ka wada gudaha Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika kuyaala, Jariidada New York Times ayaa ku warantay maanta oo Isniin ah. Kalabar ciidamada argagixisada la dirirka ah ee ku sugan qaarada Afrika ayaa laga yaabaa in laga saaro saddexda sanno ee soo socda, sida lagu sheegay[Read More…]

by June 4, 2018 0 comments Somali News
Shirka amniga qaranka oo ka furmay magaalada Baydhabo. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Madaxtooyada Puntland]

Shirka amniga qaranka oo ka furmay magaalada Baydhabo

Baydhabo-(Puntland Mirror) Shirka amniga qaranka ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Masuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa ka qeybgalay shirka. Shirku inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha amniga iyo xasilinta dalka. Waa shirkii afraad oo ay yeeshaan Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamul[Read More…]

by June 4, 2018 0 comments Somali News
Inkastoo ay muddo yar jirtay, Jaamacadda Boosaaso waxay dooneysaa in ay noqoto hoggaamiyaha waxbarashada sare ee Puntland

Inkastoo ay muddo yar jirtay, Jaamacadda Boosaaso waxay dooneysaa in ay noqoto hoggaamiyaha waxbarashada sare ee Puntland

Jaamacada Boosaaso ayaa markii hore lagu asaasay machad ahaan gudaha magaalada Boosaaso sanadkii 2006-kii. Muddo yar gudahood waxay noqotay jaamacad la aqoonsanyahay, oo buuxineysa dhammaan shuruudaha looga baahanyahay in ay noqoto haayad waxbarasho sare. Jaamacada ayaa faraceeda magaalada Garoowe furtay sanadkii 2012-kii. Inkastoo ay wax yar jirtay Jaamacadda Boosaaso waxay dooneysaa in ay noqoto jaamacadda ugu sareysa Puntland, Soomaaliya. Warsidaha[Read More…]

Ciidamada PSF oo sheegay in 41 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Buuraha Caalmadow

Ciidamada PSF oo sheegay in 41 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Buuraha Caalmadow

Garoowe-(Puntland Mirror) 41 dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Buuraha Caalmadow, Ciidamada Amaanka Puntland ayaa bayaan ku sheegay maanta oo Sabti ah. “Ciidamada Amaanka Puntland ee PSF ayaa howgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Maraje ee Buuraha Caalmadow si looga jawaabo weerarkii xalay lagu qaaday saldhig ay lahaayeen[Read More…]

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf “Dowlad”oo saxaafada kula hadlayay Garoowe June 2, 2018. [Sawirka]

Puntland oo ku eedaysay Somaliland weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada ee deegaanka Bali-Khadar

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa ku eedaysay Somaliland in ay soo qaaday weerarkii xalay ka dhanka ahaa saldhig kuyaala deegaanka Bali-Khadar ee Buuraha Galgala. Shir saxaafadeed uu Garoowe ku qabtay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf “Dowlad” ayaa yiri: “Dowladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in xalay oo bishu ahayd 2-da June 2018, saqdii dhexe[Read More…]

Ugu yaraan shan askari oo katirsan Puntland oo ku dhimatay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo kuyaala Buuraha Galgala

Ugu yaraan shan askari oo katirsan Puntland oo ku dhimatay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo kuyaala Buuraha Galgala

Garoowe-(Puntland Mirror) Saldhig ay leeyihiin ciidamada Puntland ayaa fiidkii xalay oo Sabti ahayd la weeraray, ilo-wareedyo ayaa u xaqiijiyay warsidaha Puntland Mirror. Ugu yaraan shan askari oo katirsan Puntland ayaa ku dhimatay weerarka oo socday dhowr saacadood, ilo-wareedyo milatari, kuwaasoo codsaday in aan magacooda la sheegin, ayaa u sheegay Puntland Mirror. Saldhiga ayaa kuyaala deegaanka Bali-khadar ee Buuraha Galgala, sida[Read More…]

Scroll Up