Somali News

Wasiirka Maaliyada Puntland oo baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada sanadka 2018

Wasiirka Maaliyada Puntland oo baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada sanadka 2018

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa manta oo isniin ah baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada sanadka 2018 ee Puntland. Miisaaniyada sanadka 2018 ayaa lagu qiyaasayaa $92,713, 364, Wasiirka Maaliyada Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa sheegay in miisaaniyada laga saaray lacago laga filayay haayadaha Qaramada Midoobay. Baarlamaanka ayaa ka doodi doona meelmarinta miisaaniyada dhowrka maalmood ee soo socda, sida xubno katirsan baarlamaanka ay u[Read More…]

by December 4, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay in 54 maleeshiyo Al-Shabaab ah ay isa soo dhiibeen tan iyo 14-kii Oktoobar

Muqdisho-(Puntland Mirror) Konton iyo afar maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay tan iyo qaraxii Muqdisho ee bishii lasoo dhaafay, sida uu sheegay wasiir dowladda katirsan. Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in 54 maleeshiyo Al-Shabaab ah ay dowladda isku soo dhiibeen. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay sameysay xarumo lagu dhaqanceliyo[Read More…]

by December 3, 2017 0 comments Somali News
Sawirka: Taliyaha ciidamada booliiska magaalada Garoowe, Kornayl Maxamuud Muuse Bile.

Taliyaha ciidamada booliiska Garoowe oo digniin u jeediyay dhalinyarada falalka amniga lidka ku ah sameeya

Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada booliiska magaalada Garoowe ayaa digniin u diray dhalinyarada falalka amni darada ah magaalada gudaheeda ka sameeya. Kornayl Maxamuud Muuse Bile oo oo loo yaqaan Fardafuul oo shir jaraaid ku qabtay maanta oo Sabti ah xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa yiri: “Waxaan sheegayaa cid alaale iyo cidii aan ku soo qabanao falalka kala ah kuwa moobilada  furta[Read More…]

by December 2, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Mar hore oo Madaxweynuhu tagay Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Muqdisho si uu uga qeybgalo shirar ka dhici doona halkaas

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa manta oo Sabti ah tagay magaalada Muqdisho. Kahor inta uusan ka dhoofin Garoowe, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Muqdisho uga qeybgalayo shir ku saabsan amniga qaranka iyo shir kale oo ay isugu imaan doonaan beesha caalamka iyo madaxda Soomaalida. “Waxaan ku socdaa Muqdisho oo aan kaga qaybgalayo shir ay isugu imanayaan beesha[Read More…]

by December 2, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadlaya aqalka madaxtooyada manta. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]

Madaxweynaha dowladda Puntland oo Garoowe ku soo noqday kadib safar shaqo ee dalka Itoobiya

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa manta oo Jimce ah dib ugu soo noqday caasimada Puntland ee Garoowe kadib dhowr maalmood oo uu safar shaqo ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo dad shacab ah. Cabdiweli oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay[Read More…]

by December 1, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Aaska dadkii lagu dilay howlgalkii Bariire 25-kii Agoosto 2017. [Xigashada Sawirka: Reuters]

Mareykanka oo beeniyay in dad shacab ah lagu dilay howlgalkii Bariire ee bishii Agoosto

Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa shalay oo Arbaco ahayd beeniyay eedaha ah in ciidamadiisa iyo ciidamada Soomaaliya ay dad shacab ah ku dileen deegaanka Bariire ee Soomaaliya 25-tii bishii Agoosto ee anadkan, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika. “Kadib qiimeyn ballaaran oo ku saabsan howlgalkii ay hoggaaminayeen Ciidamada Qaranka Soomaaliya ee Bariire, Soomaaliya, 25-kii Agoosto 2017 iyo eedeymaha[Read More…]

by November 30, 2017 0 comments Somali News
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Ivory Coast uga qeybgalaya shirka 5-aad ee madasha iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub. [Sawirka: Villa Somalia]

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Ivory Coast uga qeybgalaya shirka 5-aad ee madasha iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

Abidjan-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalaya shirka shanaad ee madasha iskaashiga wadamada Afrika iyo Midowga Yurub oo ka dhici doona magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeeyay garoonka diyaaradaha Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan. Shirweynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona ayaa waxaa[Read More…]

by November 30, 2017 0 comments Somali News
Wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]

Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Garoowe

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay hal qof oo kalena waa uu ku dhaawacmay shil gaari, sida ilo-wareedyo caafimaad ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror. Shilka ayaa ka dhacay saq dhexe xalay wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo tuulada Laanta-hawada. Gaari noociisu ahaa X-Trail ayaa shilka galay, sida ay ilo-wareedku sheegeen. Waxaa jiray shilal is[Read More…]

by November 29, 2017 0 comments Puntland
Wefdiga ka socda dowladda Qatar oo yimid Muqdisho. [Sawirka: Radio Muqdisho]

Wefdi ka socda dalka Qatar oo yimid Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wefdi ka socda dalka Qatar ayaa maanta oo Talaado ah yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ku warantay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho. Wefidga oo uu hoggaaminayo Khalifa Jassim Al kuwari oo ah agaasimaha guud ee sanduuqa Qatar ee horumarinta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya. Wefdiga Qatar ayaa la kulmi doona[Read More…]

by November 28, 2017 0 comments Somali News
Sawirka: Hoggaamiyaha maleeshiyada ISIS ee Puntland Cabdiqaadir Muumin.

Milatariga Mareykanka oo sheegay in ay qaadeen duqayn ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in ay qaadeen duqayn ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland, Soomaaliya, waxaana lagu dilay hal qof. “Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Mareykanka waxay qaadeen duqayn ka dhan ah ISIS ee waqooyi-bari Soomaaliya 27 November, waxaana lagu dilay hal kamid ah argagixisada,” Taliska Mareykanka ee Afrika[Read More…]

by November 28, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Scroll Up