Somali News

Madaxweynaha Puntland oo wacad ku maray inuu laynayo maxaabiista al-Shabaab haddii aysan maleeshiyada joojin dilka shacabka

Madaxweynaha Puntland oo wacad ku maray inuu laynayo maxaabiista al-Shabaab haddii aysan maleeshiyada joojin dilka shacabka

Garoowe-(Puntland) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah in dowladiisa ay layn doonto dagaalyahanada al-Shabaab ee ku jira xabsiyada Puntland haddii aysan maleeshiyada joojin dilka dadka shacabka ah ee reer Puntland. Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlayay Garoowe ayaa sheegay in ay ku hayaan xabsiyada Puntland maxaabiis badan oo al-Shabaab wuxuuna wacad ku maray in ay[Read More…]

by June 9, 2016 0 comments Home, Puntland, Somali News
Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]

Al-Shabaab oo sheegtay in dagaalyanadooda ku dileen bartamaha Soomaaliya 40 askari oo Itoobiyaan ah

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ee  ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen ugu yaraan 40 askari oo Itoobiyaan ah kadib markii ay maleeshiyada weerar saakay oo Khamiis ah ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya. Dadka deegaanka Halgan oo ku taala gobolada dhexe ayaa sheegay in ay saldhiga ka maqleen qarax aad u weyn[Read More…]

by June 9, 2016 0 comments Home, Somali News, South-Central
Al-Shabaab oo weerartay saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya

Al-Shabaab oo weerartay saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerartay saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya kadb markii gaari miinaysan ay ku qarxiyeen gudaha saldhiga maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegtay kooxda. Deegaanka weerarka dhacay ayaa lagu magacaabaa Halgan wuxuuna ku yaalaa gobolada dhexe ee Soomaaliya wuxuu 300 km kaga beeganyahay dhanka waqooyiga ee caasimada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka maqleen[Read More…]

by June 9, 2016 0 comments Home, Somali News, South-Central
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay diyaar u yihiin qaxootiga Dhadhaab

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay diyaar u yihiin qaxootiga Dhadhaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu aqbalo qaxootiga ka imaanaya xerada Dhadhaab sidoo kalena ay ka qaybqaadan karaan dib u dhiska dalka. Isagoo ka hadlayay shir jaraaid oo ay madaxtooyada Nayroobi si wadajir ah ugu wada qabteen Madaxweynaha Kiinya Uhuru Kenyata, hoggaamiyaha Soomaaliya ayaa sheegay in dib u celinta ay noqon doonto[Read More…]

by June 8, 2016 0 comments Home, Somali News
Guddoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug oo lagu dilay Gaalkacyo

Guddoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug oo lagu dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii ururka haweenka Gobolka Mudug ee Puntland Dhudi Yuusuf Aadan ayaa caawa lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo. Marxuumada ayaa waxaa toogasho ku dilay koox baastoolado ku hubaysan wakhtigii maqribka kadib sida ay Puntland Mirror u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dhudi ayaa aad looga yaqiin magaalada Gaalkacyo iyadoo kaalin weyn ka qaadatay howlaha horumarinta iyo amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee[Read More…]

by June 8, 2016 0 comments Home, Puntland, Somali News
Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso dib ugu soo noqday

Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso dib ugu soo noqday

Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Boosaaso kadib booqasho afar maalmood qaadatay oo uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta. Madaxweynaha ayaa hadal kooban oo uu saxaafada siiyay ku sheegay in uu ku tagay magaalada Abu-Dhabi safar shaqo oo la xiriira danaha Puntland. “Waxaanu safar shaqo ku tagnay Magaalada Abu-dhabi[Read More…]

by June 8, 2016 0 comments Home, Puntland, Somali News
Madaxweyne Xasan iyo Uhuru oo wadahadal ku yeeshay Nayroobi

Madaxweyne Xasan iyo Uhuru oo wadahadal ku yeeshay Nayroobi

Madaxweynaha Kiinya Uhuru Kenyata iyo dhigiisa Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wadahadal labo geesood ah ku yeeshay aqalka madaxtooyada, Nayroobi. Wadahadalka u dhaxeeya  labada Madaxweyne ayaa diirada lagu saaray go’aanka xirida xerada qaxootiga ee Dhadhaab, saamaynta sharciyada duulimaadyada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kiinya, iyo iskaashiga dhanka amaanka. Madaxweyne Xasan oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kiinya ayaa booqday xerada[Read More…]

by June 7, 2016 0 comments Home, Somali News
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xerada qaxootiga Dhadhaab

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xerada qaxootiga Dhadhaab

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta duhurkii gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kiinya halkaas oo  ay ku noolyihiin qaxooti badan oo Soomaali ah. Waxaa madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kiinya iyo saraakiil kale oo dalkaas ah. Madaxweyne Xasan ayaa booqashadiisa la xiriirtaa sidii uu wax uga ogaan lahaa xaalada qaxootigaas Soomaaliyeed oo[Read More…]

by June 6, 2016 0 comments Home, Somali News
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kiinya. Wefdiga ayaa hordhac u ah Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu maanta halkaas gaaro. Sidoo kale waxaa Dhadhaab gaaray wefdi  ka socda Kiinya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kiinya. Dowlada Kiinya ayaa dhawaan sheegtay[Read More…]

by June 6, 2016 0 comments Home, Press Releases, Somali News
Wasaarada Cadaalada Puntland oo iclaamisay in maalinta Isniinta ay Ramadaan kow tahay

Wasaarada Cadaalada Puntland oo iclaamisay in maalinta Isniinta ay Ramadaan kow tahay

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaarada cadaalada Puntland ayaa sheegtay in berito ay tahay Ramadaan, sida uu sheegay wasiirka cadaalada. Wasiirka cadaalada dowlada Puntland Saalax Xabiib oo caawa la hadlay taleefishinka dowlada Puntland ayaa sheegay in bisha laga arkay gobolka Shabeelaha Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Dhanka kale, Wasaarada diinta iyo awqaafta dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa Iyana iclaamisay in beri oo Isniin ah[Read More…]

by June 5, 2016 0 comments Home, Puntland, Somali News
Scroll Up