Press Releases

Kulanka oo looga hadlayey arrimaha Amniga Qaranka waxaa shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka: Villa Somalia]

War-murtiyeed: Kulanka Golaha Amniga Qaranka ee ka socday Muqdisho oo lasoo gabagabeeyay

Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Maaxtooyada – Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo looga hadlayey arrimaha Amniga Qaranka waxaa shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo halka kulankii looga hadlayey Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay uu shir-guddoomiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali[Read More…]

Sawirka; (Midig) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. (Bidix) Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi.

Wadahadaladii nabada Mudug ee u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug- War-saxaafadeed

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wadahadaladii nabada Mudug ee u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa war-saxaafadeed laga soo sooraay maanta oo Jimce ah. Kadib shir muddo 5 barri ah uga socday maamulada Galmudug iyo Puntland magaalada Gaalkacyo, loogana hadlayay sidii loo xailin lahaa xaalada colaadeed ee ka jira deegaanada dhul daaqsimeedka baadiyaha iyo[Read More…]

Sawirka: Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Yariisow oo warbaahinta la hadlaya.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay gacan gelintii Qalbi Dhagax ee Itoobiya – War-saxaafadeed

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah oo uu Guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa Arrimaha Ammaanka Qaranka iyo dhacdadii – Cabdkariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka tirsanaa ururka ONLF. Golaha ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga ee la xiriira xaaladaha amni ee dalka guud ahaan,[Read More…]

RW Soomaaliya Sharmaake oo xil ka qaadis ku sameeyay labo  wasiir oo haween ah

RW Soomaaliya Sharmaake oo xil ka qaadis ku sameeyay labo wasiir oo haween ah

Muqdisho-(Puntland Mirror) Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu aqbalay xil ka qaadis uu raysulwasaaraha Soomaaliya ku sameeyay labo xubnood oo kamid ahaa golaha wasiirada dowlada federaalka Soomaaliya. RW Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa xilalkii ka qaaday wasiiradii waxbarashada Khadro Bashiir Cali iyo wasiiradii caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed. RW Sharmaake ayaa[Read More…]

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kiinya. Wefdiga ayaa hordhac u ah Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu maanta halkaas gaaro. Sidoo kale waxaa Dhadhaab gaaray wefdi  ka socda Kiinya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kiinya. Dowlada Kiinya ayaa dhawaan sheegtay[Read More…]

by June 6, 2016 0 comments Home, Press Releases, Somali News
Scroll Up