Camay: ISIS ma ay sii haysan doonaan Qandala

camay
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa sheegay in kooxda ISIS aysan sii haysan doonin magaalada Qandala ee gobolka Bari oo ay dhawaan qabsadeen.

“Ciidamadayada waa diyaar, dhawaana waan kala wareegi doonaa magaalada Qandala maleeshiyada,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi siiyay idaacada maxaliga ah ee Daljir.

“Insha’alaah, ma ay sii haysan doonaan.” Ayuu ku daray Camay.

Bishii la soo dhaafay Oktoobar, in ka badan 50 dagaalyahan oo taageersan ISIS uuna hoggaaminayo sargaal hore oo Al-Shabaab ah Cabdiqaadir Muumin ayaa qabsaday magaalo xeebeedka Qandala ee kutaala gobolka Bari, walina waa ay haystaan, sida ay dadka deegaanka sheegayaan.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*