Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigayo muddo saddex bari ah si loogu maamuuso Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar
Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigayo muddo saddex bari ah si loogu maamuuso marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa maanta oo Talaado ah kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho guddi dowlada federaalka ay u xil-saartay qabanqaabada aaska Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo xilal sare dalka kasoo qabtay.

Mr. Jawaari oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in howlaha qabanqaabada aaska Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar ay meel fiican marayaan.

Jawaari ayaa xusay in calanka dalka Soomaaliya hoos loo dhigi doono muddo saddex bari ah oo caawa ka bilaabmaysa, si loogu maamuso looguna sharfo marxuum Maxamed Cali Samatar.

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo xilal badan oo ay kamidyihiin, wasiirka gaashaandhiga, madaxweyne ku xigeen iyo raysulwasaare dalka kasoo qabtay ayaa asbuucaan bilowgiisii ku geeriyooday dalka Maraykanka isagoo 85-sanno jir ahaa.

Aas qaran ayaa la filayaa in dhawaan loogu sameeyo caasimada dalka Soomaaliya, Muqdisho.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*