Cabdiyare: La dagaalanka ISIS waxay ka adkaan doontaa kan Al-Shabaab

Agaasimihii hore ee haayada sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Xuseen. [Sawirka: snapshot]
Agaasimihii hore ee haayada sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Xuseen. [Sawirka: snapshot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Agaasimihii hore ee haayada sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Xuseen oo loo yaqaan (Cabdiyare) ayaa sheegay in kooxda uu hoggaamiyo Shiikh Cabduqaadir Muumin ee katirsan ISIS oo dhawaan qabsatay magaalo xeebeedka Qandala ay tiro ahaan kordheen sanad kadib markii la asaasay.

“Hal sanno baa u dhamaaday, waxay xusayaan sanadguuradoodii. Waxay ahaayeen xoogaa yar laakiin hadda waxay haystaan 200 ilaa 300 dagaalyahan,” ayuu yiri Cabdi Xasan Xuseen oo wareysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da.

Muumin ayaa ka go’ay kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumanaysa buuraha Galgala ee kuyaala koonfurta-galbeed ee magaalada Boosaaso. Inkastoo dhowr jeer ciidamada Puntland ay weeraro culus ku qaadeen kooxdaas ayna kala jabeen haddana wali dagaalyahano ayaa ka jooga buuraha Galgala, marka soo ifbaxa kooxda cusub ee ISIS ayaa balaarin doonta dagaalka jiida hore ee ay Puntland kula jirto maleeshiyaadka.

“La dagaalanka ISIS (Daacish) waxay ka adkaan doontaa kan Al-Shabaab,” ayuu yiri Cabdiyare.

“Macquul ahaan waxaa jirta khataro badan oo ka imaanaya kooxda uu hoggaaminayo Muumin. Waa ay ka firfircoonyihiin Al-Shabaab, haddana waxay heleen dad badan oo ay qorteen iyo dhaqaale badan,” ayuu ku daray.

Cabdiyare ayaa sheegay in Al-Shabaabta ku jirta buuraha Galgala, ay markii hore ku bilaabmeen wax yar balse ay markii dambe bateen.

“Sida aan ognahay cutubyada Al-Shabaab ee ka dagaalamaya Galgala, markii hore waxay ku bilaabmeen tiro yar balse hadda waa ay siyaadeen.” Ayuu yiri.

Qabsashada magaalada Qandala

Agaasimihii hore ee haayada sirdoonka Puntland ayaa sheegay in kooxda xulufada la leh ISIS ay u doorteen magaalada Qandala sababtoo ah waa magaalo yar oo istiraatiiji ah oo kalluumaysi saacado yarna u jirta xeebta dalka Yeman.

“Waxay si joogta ah u helaan khabiiro iyo tababarayaal ka yimid Yeman, sidoo kale waxay helaan maraakiib hub ah iyo walxo kale. Tani waa sababta ay ku doorteen in ay u qabsadaan magaalada Qandala ee istiraatiijiga ah,” ayuu yiri Cabdiyare.

“Waa adagtahay in dhulka la gaaro, waa meelo buuro ah, haddana ay adagtahay in gaari lagu tago,” ayuu yiri agaasimihii hore ee PIA-da.

“Qabiilka Shiikh Muumin ayaa ku nool deegaankaas, waxayna ka helayaan taageero badan qabiilka.” Ayuu ku daray Cabdiyare.

Qandala ayaa ah magaalo Taariikhi ah oo 90km dhanka bariga ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Maleeshiyada ISIS ayaa qabsatay magaalada Arbacadii lasoo dhaafay, tan iyo markii la qabsaday magaalada dowlada Puntland ayaa halkaas u dirtay doonyo dagaal si ay uga hortagaan in kooxda ay wax taageero ah ka helaan kooxaha maleeshiyaadka ah ee dalka Yeman, sida ay saraakiil dowlada ah u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*