Cabdiraxmaan Faroole oo ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in uu farogelin ku hayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Cabdiraxmaan Faroole oo ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in uu farogelin ku hayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Cabdiraxmaan Faroole oo ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in uu farogelin ku hayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland haddana ah xubin katirsan aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali in uu farogelin ku hayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, sida uu ka sheegay shir-saxaafadeed uu ku qabtay Muqdisho oo uu ku iclaaminayay in uu ka haray tartanka doorashada.

“Waxa ay ku jiraan hoggaamiyaasha maamul goboleedyadu waa wax aan loo dulqaadan karin. Waliba siiba kuwa ka yimid gobolka anigu aan ka imi “Puntland” oo abaari ka jirto oo colaadi ka jirto oo caruurtoodii iyaga oo wata iyo xoghayaashii xafiisyadooda, labadii aqal kii fulinta iyo kii baarlamaanka ay socdaan madaxdoodii, ayna taaganyihiin xafiisyada iyo goob kasta oo nin murashax ah uu joogo oo dulaalnimo u jooga isuna badalay maamuleyaal olole oo kala qeybinaya xildhibaanadii in meel aysan codadkoodu aadin ama cid ay ku kalsoonyihiin dooran,” ayuu yiri Faroole.

“Aad iyo aad baan uga xumahay, waxaana ugu yeerayaa dadka ay wakiilka ka yihiin oo kitaabka u mareen in ay ka fiirsadaan dadkaas say ka yeeli lahaayeen…. Wadankii oo abaar ah oo waxa ka jira aan ognahay.” Ayuu ku daray.

Ugu dambayn Madaxweynihii hore Puntland ayaa sheegay in uu ka tanaasulay tartanka musharaxnimada madaxweynaha Soomaaliya oo beri oo Arbaco ah ka dhacaysa Muqdisho.

Bishii April ee sanadkii 2016-kii, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa iclaamiyay in uu u tartamayo madaxtinimada Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*