Burundi oo ciidamadeeda kala baxaysa gudaha Soomaaliya

Burundi waa wadanka labaad oo uu ciidamo ugu tabarucay AMISOM marka laga reebo Uganda. [Sawirka: AMISOM]
Burundi waa wadanka labaad oo uu ciidamo ugu tabarucay AMISOM marka laga reebo Uganda. [Sawirka: AMISOM]
Bujumbura–(Puntland Mirror) Burundi ayaa maanta oo Isniin ah bilowday hanaanka ay ciidamadeeda u gala baxayso Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM)  ee guda Soomaaliya, iyadoo ay jirto khilaaf ka dhashay mushahaarka ciidamada.

Xoogaga AMISOM ayaa waxaa mushahaarkooda bixiya Midowga Yurub balse xukuumada Bujumbura dhowr bilood wax lacag ah kama aysan helin Midowga Yurub kuwaasoo cunaqabatayno kusoo rogay dowladda Burundi oo ku saabsan ku dhawaad labo sanno oo khilaaf siyaasadeed dalkaas ka taaganyahay.

Midowga Yurub ayaa bixiya mushahaar qiimihiisu gaarayo 5 milyan bil walba, kuwaasoo si joogto ah loo siiyo ciidamada. Balse wali ma jirto heshiis laga gaaray muranka u dhaxeeya Burundi iyo Midowga Yurub, Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa amray wasiiradiisa arrimaha dibada iyo difaaca in ay bilaabaan hanaanka 5,400 askari oo ciidamada Burundi ah looga saarayo gudaha dalka Soomaaliya, kuawaaso afar meelood meel ka ah tirada AMISOM.

Haddii Burundi ay la baxdo ciidamadeeda waxay daciifin kartaa awooda AMISOM ee dagaalka kula jira ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

“Waxaanu go’aan ku gaarnay in aan bilowno, sidaan horey u balanqaadnay, sababtoo ah ciidamadayada katirsan AMISOM ma awoodaan in ay shaqeeyaan iyadoo aan mushahaar la siin,” sidaa wxaa yiri Madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo.

Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay jecelyihiin in ay sii wadaan taageeradooda howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, balse ciidamadooda aysan mushahaar helin 12 bilood.

Bishii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa Midowga Yurub jareen mushahaarkii ay siin jireen ciidamada Burundi ee katirsan AMISOM, kadib markii Midowga Yurub ay cunaqabatayn kusoo rogeen dalka Burundi oo ku aadan muranka siyaasadeed ee ka dhashay go’aanka madaxweyne  Nkurunziza ku doonayo in uu mar saddexaad isku soo taago madaxweynenimada dalkaas.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*