Burcadbadeeda Soomaaliya oo sii daysay markab ganacsi kadib hal asbuuc oo ay afduub u haysteen

Burcadbadeeda Soomaaliya oo sii daysay markab ganacsi kadib hal asbuuc oo ay afduub u haysteen. [Sawirka: Archive]
Burcadbadeeda Soomaaliya oo sii daysay markab ganacsi kadib hal asbuuc oo ay afduub u haysteen. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Burcadbadeeda Soomaaliya ayaa sii daysay markab ganacsi oo ay afduubteen horaantii asbuucaan, sida sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland uu u xaqiijiyay warsidaha Puntland Mirror.

Mowliid Xasan oo katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa Puntland Mirror u sheegay in aysan jirin wax madaxfurasho ah oo la siiyay burcadbadeeda.

Sii daynta ayaa timid kadib wadaxaajood dhexmartay odayaasha dhaqanka iyo wakiilo katirsan burcadbadeeda, kuwaasoo Isniintii lasoo dhaafay qabsaday markabka saliida qaada, sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warbaahinta.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, xubnihii burcadbadeeda ahayd ayaan la xirin balse waxaa la siiyay jid u ku baxaan markii ay markabka ka dageen.

Gelinkii hore ee manta oo Khamiis ahayd, ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen burcadbadeeda kuwaasoo markab ganacsi ku afduubtay xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari.

Tirada weeraradii burcadbadeeda Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday intii lagu guda jiray shanti sanno ee lasoo dhaafay.

Kani wuxuu ahaa weerarkii kowaad oo ay burcadbadeedu ku qaado markab ganacsi oo gooshayay xeebaha Soomaaliya in ka badan muddo shan sanno ah.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ah, qayb kamid ah kalluumaysatada ku sugan xeebaha Puntland ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad ayna ku noqon doonaan burcadbadeednimada si ay u la dagaalamaan waxa ay ugu yeereen “jariifayaasha ajaaniibta ah.”

 

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*