Burcadbadeeda Soomaaliya oo markab ganacsi oo ku gooshayay calanka jasiirada Tuvalu ku afduubtay xeebaha Soomaaliya

Asbuucyadii lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Koox lagu tuhunsanyahay burcadbadeeda Soomaaliya ayaa markab ganacsi ku afduubtay xeebaha Soomaaliya, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters.

Ilo-wareed la shaqeeya ciidamada badda Puntland ayaa sheegay in markabka oo magaciisana la dhaho OS35 uu ku gooshayay calanka jasiirada yar ee Tuvalu, sida ay ka soo xigatay Reuters.

Kani waa weerarkii ugu dambeeyay oo ay qaadaan burcadbadeedu. Asbuucii lasoo dhaafay burcadbadeeda Soomaaliya ayaa dooni ganacsi ku qabsaday xeebaha gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta gudaha qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad kuna noqon doonaan burcadbadeednimada si ay ula diriraan waxay ugu yeereen “maraakiibta jariifka ee ajaaniibta ah”.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*