Burcada Internetka oo xog ka xaday 500 milyan oo isticmaalayaasha Yahoo ah

Xarunta weyn ee shirkada Yahoo ee gudaha Maraykanka. Sawirka: gettyimages.

Yahoo ayaa sheegtay in burcadka internetka jabsada oo taageera ka helaya dowlad ay xadeen macluumaad ku saabsan 500 milyan oo isticmaalayaasheeda ah, taasoo noqonaysa xatooyadii ugu weynayd taariikhda ee ay sameeyaan burcada Internet-ka.

Jabshada ayaa waxaa kamid ah waraaqaha macluumaadka qofka, oo ay kamidyihiin magacyada, Emailada iyo sidoo kale su’aalaha iyo jawaabaha lambar sireedka amaanka.

Xatooyada ama jabshasada ayaa dhacday bartamihii sanadkii 2014-ka balse hadda ayaa si rasmi ah loo sheegay.

FBI Maraykanka ayaa cadaysay in ay samaynayso baaritaano la xiriira cabashadaas.

Xogta la xaday ayaa waxaa kamid ah Magacyo, ciwaano Email, numbaro taleefoon, wakhtiyada dhalashada, laakiin kuma jiraan kaararka kacagta, sida ay sheegtay shirkada Yahoo.

Shirkada ayaa sheegtay in xatooyada ay sameeyeen wax loo malaynayo burcad Internet oo taageero ka helaysa dowlada, laakiin Yahoo ma aysan sheegin dalkaas.

Cabdi Cumar Bile oo ah maamulaha iyo asaasaha warsidaha Puntland Mirror oo khabiir ku ah Tiknoolajiyada ayaa sheegay in weerarkaas xatooyada ah loo malaynayo in uu masuul ka yahay dalka Ruushka.

“Tuhunka ugu weyn waxaa laga qabaa dalka Ruushka, sababtoo ah weeraro kan lamid ah ayaa lala xiriiriyay haayadaha sirdoonka dalka Ruushka oo dagaal dhanka internetka ah (cyberwar) uu kala dhaxeeyo dalka Maraykanka.” Ayuu yiri Cabdi Cumar Bile.

Codsi badalasho lambar siireedka (Password).

Shirkada Yahoo ayaa ka codsanaysa dhamaan isticmaalayaasha in ay badashaan lambar sireedkooda (password), haddii aysan badalin tan iyo sanadkii 2014-ka.

Bishii lasoo dhaafay ayaa shirkada Yahoo waxaa lacag dhan $4.8 bilyan ku iibsatay US Telecoms giant Verizon.

Shirkada Yahoo ayaa la asaasay sanadkii 1994-tii, waxaana asaasay Jerry Yang and David Filo.

In ka badan hal bilyan ayaa bil walba soo booqda website-ka shirkada Yahoo.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*