Burcad-badeeda Soomaaliya oo sii daysay sideed badmaax oo Iran u dhashay

Burcad-badeeda Soomaaliya oo sii daysay sideed badmaax oo Iran u dhashay. [Xigashada Sawirka: AFP]
Burcad-badeeda Soomaaliya oo sii daysay sideed badmaax oo Iran u dhashay. [Xigashada Sawirka: AFP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Burcadbadeeda Soomaalida ayaa sii daysay sideed badmaax oo u dhashay Iran, sida uu ku waramay Taleefishinka dowladda ee Press TV oo soo xigtay xildhibaan katirsan baarlamaanka Iran.

Ali Yar Mohammadi, oo ah xildhibaan Iran ah ayaa sheegay shalay oo Isniin ahayd in sideed badmaax la sii dayay kadib markii heshiis dhexmaray safaarada Senegal ee gudaha Soomaaliya iyo kooxda burcad-badeeda ah.

Taleefishinka Press TV ayaa sheegay in sidoo kale wasaaradda arrimaha dibada Dalka Iran ay xaqiijisay sii daynta badmaaxyada.

Badmaaxyada ayaa hadda ku sugan safaarada Senegal ay ku leedahay gudaha Muqdisho, sida uu sheegay xildhibaanku.

Ma cadda ilaa iyo hadda haddii burcadbadeeda la siiyay madaxfurasho.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, ilaa 12 badmaax oo kale oo Iran u dhashay ayaa wali ku jira gacanta burcadbadeeda, iyadoo burcadbadeedu ay dalbadeen madaxfurasho aad u badan si loo sii daayo.

Doonyaha kalluumaysiga Iran ayaa kamid ah dalalka ajnabiga ah kuwaasoo si sharci daro ah uga kalluumaysanaya biyaha Sooomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*