Burbur soo gaaray wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Puntland kadib daadkii ay roobabku keeneen

Burbur soo gaaray wadada laamiga ah meel u dhow deegaanka Sinujiif. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Godad iyo burbur kale ayaa soo gaaray wadada weyn ee laamiga ah oo isku xirta gobolada Puntland kadib roobab mahiigan ah.

Wadada ayaa yeelatay godad iyo burbur kadib markii ay mareen daadad ay keeneen roobabkii mahiigaanka ahaa ee maalmihii u dambeeyay ka da’ayay deegaanada Puntland.

Meelaha ugu daran ee dhibaatadu ay wadada ka soo gaartay ayaa ah meel u dhow deegaanka Sinujiif ee gobolka Nugaal halkaas oo daadadku ay xaaqeen buundo yar, taasoo keentay in uu go’o gabi ahaanba isku socodka dadka iyo ganacsiga ka dhaxeeya gobolada Puntland.

Wadada oo labo u kala goday meel u dhow deegaanka Sinujiif. [Isa Sawirka: Facebook]
Dadka safarka ah ayaa isticmaalayay dhabarkooda si ay ula gudbaan alaabtooda iyaga oo dhexmaraya biyaha daadka.

Dad dhabarkooda isticmaalaya si ay ula gudbaan alaabtooda. [Sawirka: Puntland Mirror]
Wadadan oo aad muhiim ugu ah ganacsiga Puntland ayaa la dhisay xilligii xukuumadii Maxamed Siyaad Bare, mana aysan helin dayactir tan iyo wakhtigaas.

Khuburada ayaa ka cabsi qabta in dhibbaatada soo gaartay wadada ay keeni garto shilal gaari haddii aan la sameyn dayactir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*