Boqorka Sucuudiga oo wacad ku maray inuu la dagaalami doono kooxaha xaqjiriinta ah

Boqorka Sucuudi Caraabiya, Salmaan Bin Cabdilcasiis Al Sacuud. Sawirka: EPA.

Boqorka Sucuudi Caraabiya ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu gacan bir ah uga hortagi doono kooxaha burcad diimeedka ah, maalin kadib markii dad naftood haligeyaal ah ay weerari isbiimayn ah ka geysteen saddex magaalo oo kuyaala wadanka Sucuudiga.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada Ciida Fidriga oo loo dabaaldago dhamaadka bisha Ramadaan, Boqor Salmaan ayaa sheegay in caqabada ugu weyn oo Sucuudiga wajahayo ay tahay rajo xumo dhalinyarada ah kuwaasoo wajahaya khatar xagjirnimo.

“Waxaanu gacan bir ah ku qabanaynaa kuwa bartilmaameedsanaya maskaxda iyo caqiidada dhalinyaradeena,” ayuu yiri 80-jirka hoggaamiya Sucuudiga ee Salmaan.

Ugu yaraan afar askari oo ciidanka amaanka ah ayaa ku geeriyooday shan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar isbiimayn ahaa oo  ka dhacay banaanka masjidka Nabiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Sucuudiga.

“Afar askari oo ciidanka amaanka ah ayaa ku shahiiday shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ka horjoogsadeen qofka is-qarxiyay oo isku qarxiyay meel u dhow iyaga isagoo ku socday masjidka,” wasiirka ayaa sidaa ku yiri fariin uu Twitter-ka soo dhigay.

Qaraxa ayaa dhacay wakhti yar kahor inta aysan qoraxda dhacin xilli ay dadka ku afuri lahaayeen gudaha masaajidka.

Masaajidka Nabiga ayaa waxaa booqda xujayda ka timaada caalamka inta lagu guda jiro maalmaha ugu dambaysa bisha Soonka ee Ramadaan, masjidka ayaa waxaa sidoo kale kuyaala qabriga Nabiga (N.N.K.H).

Weeraro kale oo isbiimayn ahaa ayaa ka dhacay magaalada Jiddah iyo magaalo kutaala bariga Succudiga oo la dhaho Qaatif.

Hoggaamiyaasha wadamada Islaamka ayaa si weyn u cambaareeyay weeraradaas ka dhacay dhulka barakaysan

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*