Boqor Buurmadow oo laga sii daayay xabsi kuyaala magaalada Hargeysa

Boqor Cusmaan Aw-maxamuud Buurmadow. [Sawir Hore]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Boqor Cusmaan Aw-maxamuud Buurmadow ayaa maanta oo Arbaco ah laga sii daayay xabsi kuyaala magaalada Hargeysa.

Masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in boqorka lagu sii daayay cafis madaxweyne.

Boqor Buurmadow ayaa xabsi kuyaala Hargeysa ku xirnaa muddo ka badan labo bilood. Maamulka Somaliland ayaa boqorka ku eedeeyay waxay ugu yeereen hadalo lid ku ah gooni isu taaga maamulkaas oo uu ka sheegay xilli uu ka qeybgalayay caleemosaar hoggaamiye dhaqameed ka dhacday deegaanka Carmo ee Puntland.

Maxkamad kutaala Hargeysa ayaa dhawaan boqorka ku xukuntay muddo saddex sanno oo xabsi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*