Booliiska Soomaaliya oo qabtay labo nin oo looga shaki qabo al-Shabaab

Suspected
Nimanka looga shaki qabo al-Shabaab oo ay ciidamada booliska qabteen. Sawirka: SONNA.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Booliiska Soomaaliya ayaa ku xiray gudaha degmada Yaakhshiid ee Muqdisho labo nin oo looga shaki qabo al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal.

Taliyaha booliiska Yaakhsiid, Maxamed Yuusuf Nuur ayaa u sheegay wakaalada wararka Soomaaliya Sonna in labada nin ee la qabtay ay baastoolado ku qarsadeen dhismaha qudbi masaajid.

“Dadka deegaanka ayaa na siiyay macluumaad ku saabsan kuwaas looga shakisanyahay al-Shabaab kadibna waxaanu howlgal ka samaynay gudaha masaajidka Yaakhshiid waxaana soo saarnay hubka ay qariyeen waana xirnay iyagii, waxaa ku socda baaritaan,” Mr. Maxamed Yuusuf ayaa sidaa u sheegay Sonna.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa gudaha caasimada Muqdisho laga saaray sanadkii 2011-ka, balse wali waxay qaadaysaa weeraro dhiig ku daatay oo ka dhan ah saraakiisha dowlada Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo meelaha ay bulshada isugu timaado, sida huteelada iyo makhaayadaha.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*