Booliiska Rwanda oo toogasho ku dilay saddex nin oo looga shaki qabo xagjiriin

Rwanda police
Ciidamada booliiska dalka Rwanda.

Kigali-(Puntland Mirror) Saddex nin oo looga shaki qabo in ay ahaayeen kuwa shaqaalaysiiya jihaadiyiinta ayaa booliiska dalka Rwanda ku toogteen koonfurta-galbeed ee Rwanda kadib markii ay ka dhaga-adaygeen in la xiro, sida ay booliiska ku sheegeen bayaan.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP booliiska ayaa sheegay in nimanka la dilay ay dagaalameen ayna isku dayeen in ay baxsadaan markii ciidamada booliiska ay howlgal ku qaadeen guriga ay joogeen.

Booliiska ayaa sheegay saddex nin oo kale oo laga shaki qabo oo mid kamid ah uu dhaawac yahay ay soo xireen.

Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in nimankaas ay ku howlanaayeen olole ujeedkiisu ahaa qoritaan kooxo jihaadiyiin ah, sida lagu sheegay bayaan booliiska kasoo baxay.

Booliiska ayaa guriga ay joogeen nimankaas waxay kasoo heleen waxyaabo xagjirayn ah oo ay kamidyihiin cajilado CD ah iyo buugaag.

Rwanda oo ah dal kuyaala qaarada Afrika oo lagu xasuusto xasuuqii ugu xumaa caalamka dalka uu ka dhacay sanadkii 90-kii, ayaa bulshada Muslimiinta yihiin kuwa ugu yar oo kunool dalkaas. Rwanda ayaan marna arag weeraro argagixiso oo dalkeeda ka dhaca.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*