Booliiska Kenya oo dilay labo xubnood oo al-Shabaab looga shaki qabo

shabaab
Labada nin ee al-Shabaab looga shaki qabo.

Nairobi-(Puntland Mirror) Booliiska dalka Kenya ee magaalo xeebeedka Mombasa ayaa shalay oo Khamiis ahayd toogtay dilayna labo nin oo ay sheegeen in la doon-doonayay kuwaasoo katirsanaa kooxda al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare.

Labada nin, oo la raadinayay muddo labo bilood ah ayaa la dilay kadib markii booliiska ay howlgal ku qaadeen meel ay ku dhuumanayeen oo ku taala deegaanka Mishomoroni ee magaalada Mombasa, taliye ku-xigeenka deegaanka, Walter Abondo ayaa sheegay in nin kale uu baxsaday.

“Waxaanu ogaanay dhimashada kuwa laga shakisanyahay… labada nin waxaa lala xiriirinayaa ficilo argagixiso oo ka dhacay Malinda iyo Lamu, ayuu Walter Abondo u sheegay saxaafada, isagoo xusay in waqooyiga Mombasa ay goobjoog u noqotay weeraro ayna ku xoogaysteen ficilo lala xiriirinayo al-Shabaab.

Booliiska ayaa ka helay  bumbooyin, rasaas, walxaha qarxa iyo cajilado CD-ah meeshii ay nimankaas ku dhuumanayeen.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay weeraradii ugu dambeeyay oo ay ka geysteen gudaha Kenya in ay uga aar-gudayaan ciidamada Kenya oo gudaha Soomaaliya loo diray sanadkii 2011-ka, halkaas oo ay ku la dagaalamayaan maleeshiyada al-Shabaab, iyagoo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta afrika.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*