Beyle: Waxaanu u baahanahay $41 milyan si loo daabaco lacag cusub oo shillin Soomaali ah

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdirixmaan Ducaale Beyle oo saxaafada kula hadlayay Muqdisho maanta oo Axad ah. [Xigashada Sawirka: SONNA]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan si dhaqso ah loo daabici doono lacag shillin Soomaali ah.

Shir saxaafadeed maanta oo Axad ah uu ku qabtay magaalada Muqdisho, Cabdirixmaan Ducaale Beyle ayaa shegay in kharashka lacagta lagu daabici doono uu dhanyahay $41 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Beyle ayaa sheegay in kharashka lacag daabicista ku baxaysa aysan Soomaaliya heyn balse ay dadaal ugu jiraan halka laga keeni lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*