Beesha Caalamka oo walaac ka muujiyay muranka siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho

Sumadaha qaar katirsan Beesha Caalamka ee bayaanka soo saaray. [Sawirka]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa si weyn uga walaacsan tilaabooyinkii siyaasadeed iyo amni ee ka dhacay Muqdisho dhawaan, sida lagu sheegay bayaan soo baxay gelinkii dambe ee Jimcada.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in tilaabooyinkaas ay dhaawici doonaan siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka laga gaaray ammaanka ayna ceeb ku tahay magaca Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa ka codsaday dhammaan hoggaamiyaasha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay xushmeeyaan sharciga iyo dastuurka dalka ayna xaliyaan kala duwanaanshaha siyaasadeed.

“Ficilada oo sii kordha waxay horseedi doontaa qalalaase waana in laga fogaadaa,” ayaa bayaanka lagu sii yiri.

Beesha Caalamka ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha baarlamaanka iyo masuuliyiinta kale in ay si nabadgelyo ah ay uga wada-xaajoodaan maalmaha soo socda ayna adeegsadaan qaab sharci iyo nabadgelyo ah si ay u xaliyaan kala aragti duwanaanshaha.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka jiray mooshin kalsooni kala noqosho oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*