Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo mamnuucay ganacsiga iibinta lacagaha qalaad ee Forex Trading

Xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa mamnuucay ganacsiga iibinta lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah ee Forex Trading, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay bankiga maanta oo Talaado ah.

Bayaanka ayaa lagu amray dhammaan bankiyada gaarka loo leeyahay in ay xiraan dhammaan xisaabaadka ay leeyihiin ganacsatada Forex Trading.

Laguma sheegin sababta ka dambaysa joojinta, balse waxaa lagu xusay in go’aanka la gaaray kadib shir uu guddiga maamulka bankiga dhexe yeeshay 28-kii October 2019.

Sidoo kale bankiyada ayaa lagu amray in ay soo diraan warbixin lifaaq ah oo sheegaysa dhammaan xisaabaadka u furan iyo cadadka lacagaha ku jira.

Go’aanka bankiga dhexe ayaa imaanaya iyadoo sanadihii u dambeeyay ay kordhayeen ganacsatada ka holwgasha Forex Trading gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*