Bangiga Aduunka oo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya la rajaynayo in uu kobco 2.9% sanadkan

Suuq kuyaala Muqdisho. [Isha Sawirka: Reuters]
Nairobi-(Puntland Mirror) Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la rajaynayaa in uu kobco 2.9% sanadkan marka la barbardhigo sanadkii hore oo ahayd 2.8%, sida uu sheegay Bangiga Aduunka maanta oo Isniin ah.

Qiyaasta sare ee koboca sanadka soo socda ilaa shanta sanno ee socota ayaa ku tiirsanaan doona in dalka uu awoodo sii socoshada marxaladda isbadelka dhaqaalaha ee hadda, Bangiga Aduunka ayaa sidaa ku sheegay bayaan.

Cashuur uruurinta ay dowladdu sameysay ayaa kordhay 29% sanadkii hore, maadaama dhaqaaluhu kasoo kabtay abaar sanadkii hore isla markaana dowlada ay badasho siyaasadeeda canshuurta, Bangiga Aduunka ayaa sidaas yiri.

“In kasta oo horumarkan uu yahay mid dhiirrigelin leh, haddana maaliyadda ku harsan ee weli jirta kuma filna in lagu haqabtiro baahiyaha xaga waxbarashada iyo waaxaha caafimaadka,” ayuu yiri bangigu.

Bishii May, haayada lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku socdo waddo sax ah balse waxay ka digtay in weli uu yahay mid diciif ah oo ay ugu wacantahay ammaanka, isbdalka cimilada iyo saboolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*