Bandow habeenkii ah oo looga hortagayo faafista coronavirus oo ka bilaabmay Puntland

Ciidamada ammaanka Puntland oo lugeynaya waddooyinka Gaalkacyo si ay badowga u adkeeyaan. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa boqolaal ciidamo ah ku sii deysay magaalooyinka waa-weyn si ay u xoojiyaan xayiraada dadka oo ujeedadu tahay in looga hortago fiditaanka cudurka coronavirus.

Bandowga ayaa bilaaban doonaa laga bilaabo marka qoraxdu dhacdo ilaa qorax soo baxa waxaana uu socon doonaa muddo 14 beri ah, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Marka xilligaas la gaaro, dhammaan meelaha dadku isugu yimaadaan sida makhaayadaha ayaa la xiri doonaa, keliya waxaa la ogolyahay in ay furnaadaan isbitaalada iyo farmashiyaasha, sida uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska Puntland Janaraala Muxyadiin Axmed Muuse.

Shan kiis oo coronavirus ah ayaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*