Bandhiga buugaagta oo ka furmay Garoowe

Presiden and his wife
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo marwadiisa Hodan Siciid Ciise oo ka qaybgalay bandhiga buugaagta Garoowe. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmiya u furay bandhiga buugaagta ee Garoowe.

Dhowr qoraa oo Soomaali ah oo uu kamidyahay suugaan uruuriyaha Soomaaliyeed, Axmed Faarax Idaajaa ayaa kasoo qaybgalay bandhig bugaageedka.

Prof Lidwien Kapteijins, oo ah qoraaga buuga “Clan Cleansing in Somalia” ayaa sidoo kale kasoo qaybgashay, waxaa si lamid ah isna kasoo qaybgalay Dr. Georgi Kapchits, oo ah cilmibaare Ruush ah oo muddo 40-sanno ah baranayay luuqada Soomaaliga, qorayna buugaag badan oo maahmaahyo iyo sheekooyin Soomaali ah.

Bandhig bugaageedka ayaa waxaa soo agaasimay machadka horumarka iyo cilmnaarista ee SIDRA, waxaana lagu qabtay qol weynaha shirarka ee Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe.

Book fair
Bandhiga buugaagta ee Garoowe. Sawirka: Puntland Mirror.

In kabadan shan boqol oo buug ayaa lagu soo bandhigay bandhiga sida uu Puntland Mirror u sheegay sarkaal katirsan Jaamacada Bariga Afrika.

Inta uu socdo bandhiga, qoraayaasha ayaa soo bandhigaya buugaagtooda waxayna iibin doonaan boqolaal buug oo koobi ah.

Si kastoo ay hataaba, buugaagta intooda badan waxay ku qoranyihiin Af-Soomaali, balse waxaa kale oo jira buugaag badan oo ku qoran English.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*