Banaanbax looga soo horjeedo sheegashada Kenya ee qayb kamid ah badda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

Dadka banaanbaxa ka qaybgalay ayaa watay boorar ay ku qoranyihiin “gorgortan ka gali mayno baddeena”. Xuquuqda Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Banaanbax looga soo horjeedo sheegashada lahaanshaha Kenya ee qayb kamid ah badda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Boqolaal katirsan bulshada kunool magaalada Muqdisho ayaa ka qaybgalay dibadbaxyada kuwaasoo socod ku maray wadooyinka waa-weyn ee magaalada.

Dadka banaanbaxa ka qaybgalay ayaa watay boorar ay ku qoranyihiin “gorgortan ka gali mayno baddeena” iyo “lama boobi karo baddeena”.

Dacwada ku saabsan lahaanshaha badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka socda maxkamada caalamiga ee cadaalada (ICJ) ee magaaada Hague, dalka Holland.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*