Banaanbax looga soo horjeedo joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolka Sool oo ka dhacay Garoowe

Banaanbax looga soo horjeedo joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolka Sool oo ka dhacay Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Boqolaal qof oo ku sugan magaalaada Garoowe ayaa si nabad ah maanta oo isniin ah u qabtay banaabax looga soo horjeedo joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolka Sool.

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ay uga soo horjeedaan joogitaanka maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool. Sidoo kale waxay taageero buuxda u muujiyeen ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland iyo Soamliland ayaa bishii lasoo dhaafay ee May labo jeer ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaare balaraan.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyiga ka xigta Garoowe, caasimada Puntland.

Xaalada Tukaraq ayaa maalmihii lasoo dhaafay deganayd, balse dagaalka ayaa ka qarxi kara wakhti kasta, marka loo fiiriyo is-diyaarinta ciidan ee labada dhinac iyo hadalada colaadeed ee ay warbaahinta isku marinayaan.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada salaada Ciidul Fidriga ee magaalada Garoowe, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay difaaca iyo xoreynta gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*