Banaanbax looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay waddooyinka Kismaayo. [Isha Sawirka: Facebook]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Boqolaal qof ayaa maanta oo Sabti ah isugu soo baxay magaalada Kismaayo iyaga oo uga soo horjeeda go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan in dhammaan duulimaadyada ku socda iyo kuwa ka imaanaya Kismaayo ay maraan magaalada Muqdisho.

Dhammaan goobaha ganacsiga ee magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay xiranyihiin.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen “Go’doomin gobol guul miyaa” iyo “federaalka fahan buu kaa rabaa”.

Asbuucii lasoo dhaafay, haayadaha dhanka hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan ay ku amrayaan in dhammaan diyaaradaha tagaya iyo kuwa imaanaya magaalada Kismaayo ay maraan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee Muqdisho.

Falanqeeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan in go’aankan ay dowladda federaalka Soomaaliya rabto in ay cadaadis ku saarto maamulka Jubbaland kadib doorashadii dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Islaam dib loogu doortay, taasoo dowladda federaalka ay sheegtay in aysan aqoonsanayn natiijada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*