Banaanbax lagu taageerayo jawaabtii dowlada Turkiga ay ka bixisay isku-daygii afgembiga fashilmay oo ka dhacay magaalada Istanbul

Banaanbaxyo Turkiga
Ku dhawaad saddex milyan oo shacab ah oo banaanbax lagu taageerayo dowlada Turkiga ka sameeyay magaalada Istanbul. Sawirka: EPA.

Istanbul-(Puntland Mirror) Banaanbax weyn oo lagu taageerayo jawaabti Turkiga ka bixiyay isku-daygii afgembiga fashilmay ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul, waxaana si wadajir ah uga qaybgalay madaxweynaha, raysulwasaaraha iyo labo hoggaamiye oo kamid ah ururada mucaaradka ah.

Dad lagu qiyaasay saddex milyan, oo ruxayay calanka dalka Turkiga, ayaa ka qaybgalay banaanbaxa dhacay maanta oo Axad ah.

“Waa banaanbax dimuqraadiyad iyo dadkii shahiiday, waxay la macno tahay in dalkeena midaysanyahay,” ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan isagoo ka codsaday dadka ka qaybgalay in ay haystaan calanka Turkiga oo kaliya.

“Waa in aynu u istaagnaa si wadajir ah oo hal qaran oo kaliya ah, hal calan, hal dal oo hooyo, hal dowlad, hal naf,” ayuu ku daray Madaxweyne Erdogan.

Banaanbaxyo kan lamid ah ayaa ka dhacay qaybaha kale ee dalka Turkiga.

Isku-daygii afgembiga fashilmay ee ka dhacay Turkiga 15-kii bishii July, 2016, ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 270 qof.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*