Baarlamaanka Soomaaliya oo mudeeyay doorashada madaxweynaha

Baarlamaanka Soomaaliya oo mudeeyay doorashada madaxweynaha.[Sawirka: Archive]
Baarlamaanka Soomaaliya oo mudeeyay doorashada madaxweynaha.[Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah iclaamiyay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dhici doonto 8-da bisha Febaraayo.

Doorashada madaxweynaha ayaa sida rasmiga ah waxa ay ahayd in ay dhacdo bartamaha bishii Agoosto ee sanadkii tagay, balse maamulka Xasan Shiikh ayaa ku fashilmay in uu qabto doorashada.

Madaxweynaha hadda jooga Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kamid ah tobonaan murashixiin ah kuwaasoo ku loolamaya madaxtinimada.

Xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare ee dhawaan la dhisay ayaa dooran doona  madaxweynaha xiga ee dalka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*