Baarlamaanka Soomaaliya oo lacag dhan $360,000 ugu deeqay dadka ay saameysay abaartu

Baarlamaanka Soomaaliya oo lacag dhan $360,000 ugu deeqay dadka ay saameysay abaartu. [Sawirka: Radio Muqdisho]
Baarlamaanka Soomaaliya oo lacag dhan $360,000 ugu deeqay dadka ay saameysay abaartu. [Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lacag dhan $360,000 ugu deeqay abaarta dalka ka jirta.

Raysulwasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran Cumar Carte Qaalib ayaa lacagtaas ka guddoomay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cumaan Jawaari.

Lacagtaas ayaa ahayd 50% dhaqaale laga uruurshay musharixiinta u tartamaysa madaxweynaha Soomaaliya, taasoo baarlamaanka isku-raacay in kala bar loogu deeqo dadka ay abaartu saameysay ee gudaha dalka.

Abaar daran ayaa dalka Soomaaliya ka jirta, taasoo saameysay ku dhawaad 4 milyan oo dad ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*