Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sanadka 2017-ka oo dhan ilaa $260 milyan

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sanadka 2017-ka oo dhan ilaa $260 milyan. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ansixiyay miisaaniyada dowladda federaalka Soomaaliya ee sanadka 2017-ka.

Kulan ay ku yeesheen Muqdisho, baarlamaanka ayaa ka dooday miisaaniyada sanadka oo nuqulo kamid ah ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyada.

167 xildhibaan ayaa ogolaatay halka labo ay diideen, iyadoo tirada xildhibaanada ee kulanka kasoo qeybgalay ay ahaayeen 169 xildhibaan, guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyada la ansixiyay.

Miisaaniyada ay baarlamaanku ansixiyeen ayaa dhan ilaa iyo $260 milyan, waxaana muuqata in ay korortay dakhliga ay isticmaalayso dowladda sanadkan, waxaana miisaaniyada ku jira kharashaadka golaha aqalka sare.

Turkiga ayaa ah dalka ugu weyn oo Soomaaliya ka taageera kabitaanka miisaaniyada, isaga oo bil walba ku kaba lacag dhan $3 milyan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*